Alshabaab oo sheegatay weerarka Witu

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dalxiiska Kenya ayaa qasaaro badan ay soo gaartay weerarka Alshabaab kadib.

Alshabaab ayaa sheegatay inay ka danbaysay weerar lagu qaaday Jimcihii bas. Bisha Cas ee Kenya ayaa sheegtay in toddobo qof la toogtay qaar kalena ay dhaawacmeen.

Weerarka ayaa ka dhacay meel u dhow Witu oo ka mid ah degmada Lamu. Tobonaan qof ayaa ku dhintay weerararo lagu qaaday deegaanada xeebta Kenya bilihii la soo dhaafay.

Alshabaab ayaa sheegatay badanaa weerarada, iyadoo sheeganaysa inay ka jawaabayso ciidamada Kenya ee jooga Soomaaliya. Dalxiiska Kenya ayaa hoos u dhacay weerarka darteed.