Walaaca burburka diyaarada Malaysia

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Meeshii ay ku dhacday diyaarada Malaysia

Dowladda Malaysia ayaa sheegtay inay ka walaacsan tahay in meeshii ay ku dhacday diyaarada ee bariga Ukrain inaan la ilaalin oo wax laga qaadi karo.

Wasiirka gaadiidka, Liow Tiong-lai, ayaa sheegay inuu aadayo Kiev si uu ugu biiro baarayaasha kale, wuxuuna ku baaqay in loo ogolaado si amaan ah oo meesha lagu tagi karo.

Wuxuu sheegay in diyaarada Malaysia aysan jidkeeda ka bixin oo la soo riday iyadoo maraysa jid ay isticmaalaan boqolaal dayuuradood.

Dowladda Malaysia ayaa sheegtay in dadka ka danbeeyay soo ridka diyaarada in sharciga la horkeeno.