Weerarka Qaza oo sii kordhay

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Aabo la ordaya ilmahiisa magaalada Qaza

Ciidamada Israel ayaa sii kordhiyay weerarka cirka, dhulka iyo badda ee ay ku hayaan Qaza, iyagoo qaadaya dagaalkii ugu xooganaa tan iyo markii uu bilaway saddex iyo toban maalmood ka hor.

Shejaiya oo ah bariga Qaza, maydka ayaa jidka yaala iyadoo kumanaan qof ay ka qaxeen guryahooda si ay uga cararaan weerarka.

Wararka ayaa sheegaya in ambalaasyada aysan gaari karin meelaha dagaalka ka socda. Qaza in ka badan saddex boqol iyo lixdan Falastiiniyiin ah ayaa dhintay tan iyo intuu dagaalka bilawday.

Toddobo Israeliyiin ah ayaa dhintay oo ay ku jiraan laba rayad.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay sii dhamaanayaan gargaarka ay siiso in kabadan konton kun oo falastiiniyiin ah.