Xamas oo qabsatay askeri Israa'iili ah

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Weerarka dhulka ah ee Israa'iil ka wado Qaza.

Kooxda Xamas ee ka dagaalanta Marinka Qaza ayaa sheegtay in ay qabatay Askeri Israa'ili ah.

Israa'iil ayaa sheegtay in ay baaarayso wararkaasi. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo Qaza ay ka dhacday dhimashadii ugu badnayd oo hal maalin dhacda. Waxa axadii la dilay in ka badan sagaashan falastiniyiin ah oo u badan rayid.

Lixdan ka mid ah waxay ku dhinteen duqeyn ka dhacday degaan la yiraahdo Shejaiya.

Israa'iil waxa laga dilay 13 Askeri.

Dhinaca kale Raisal wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in weerarka ciidamada Israa'iil ay ku qaadeen Gaza uu sii socon doono lana ballaarin doono si loo soo cesho ammaanka Israa'iil.

Magaalada Doha Wasiirka arrimaha dibada ee Qatar ayaa cambaareeyay weerarka Israa'iil ku qaaday Gaza wuxuuna sheegay in Israa'iil ay caqab toos ah ku tahay nabadda gobolka oo dhan.