'Daawayn hore laguma joojin karo HIV"

Lahaanshaha sawirka SPL
Image caption HIV

HIV ayaa si dhaqso leh jirka ugu faafi kara isagoo baabi'iyay rajadii laga lahaa in hadii waqti hore la daaweeyo in laga hortagi karo, sida lagu sheegay daraasaad cusub.

Carruur ayaa loo malaynayay inuu ka raystay cudurka kadib markii la daaweeyay sacaado kadib markuu dhashay, laakiin viruska HIV ayaa ku soo noqday sanado kadib.

Daraasaad lagu sameeyay daanyeer oo lagu qoray joornaalka Nature ayaa sheegaya in wax la dhaho Viras kaydsan ay samaysmaan intaan dhiiga lagu arag HIV.

Aqoonyahanada ayaa ku tilmaamay waxa ay daraasaadka ku heleen arin aad u culus oo aan horay loo arag.

Horumarkii laga gaaray daawada antiretroviral ayaa HIVga lagu hayn karaa dhiiga, bukaankana uu heli karaa nolol caadi u dhow.

Laakiin hadii daawada la joojiyo, viruska ayaa ka soo baxaya meeshii uu ku jiray.

Lahaanshaha sawirka
Image caption Waa adag tahay sida loo daaweeyo HIV.

Daraasaadkan caalamiga ayaa xooga saaray in Viruska kaydsan la soo bixiyo, laakiin waxaa jiray rajo in daawayn hore looga hortagi karo inay samaysmaan marka hore.

Daraasaadka

Daaraasaadka, daanyeer ayaa lagu talaalay HIV u dhiganta mida daanyeerka oo loo yaqaan (SIV).

Daanyeerka ayaa kadib la siiyay daawada antiretroviral saddex maalmood gudahood iyo laba toddobaad kadib markii lagu talaalay HIV.

Daawada ayaa la joojiyay lix bilood kadib, laakiin viruska ayaa soo noqday hadii waqti hore la isticmaalay daawada antiretroviral iyo hadii kale.

Waxaa la arkay Kaydka Viruska inuu samaysmay waqti hore markii cudurka la qaaday.

Dan Barouch, oo ah professor caafimaadka wax ka dhiga Jaamacada Harvard kuliyadeeda caafimaadka ayaa sheegay " xogteena waxay sheegaysaa in kaydka Viruska uu samaysmay waqti hore oo ka duwan sidii horay loo ogaa.

"Waxaan helay in kaydka uu samaysmay maalmagha ugu horeeya intaan Viruska lagu arkin dhiiga"