Isbitaal Qaza oo lagu dilay shan

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Isbitaalo dhowr ayaa la weeraray Qaza.

Ciidanka Israel ayaa weeraray isbitaal magaalada Qaza iyadoo dishay shan qof dhaawacdayna labaatan iyo toddobo qof oo ay ku jiraan shaqaale caafimaad.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay, in duqaynta ay ka dhacday qaybta daryeelka qaaska ee dadka aad u daran ee isbitaalka Al Aqsa ee bariga magaalada iyo qaybta dadka la qalayo.

Waxaa jira dadaal caalami ah si loo joojiyo dagaalka iyadoo la isugu imaanayo Masar.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki Moon, ayaa yimid Qaahira, iyadoo la filayo Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka John Kerry ayaa la filayaa inuu imaado.

Madaxweyne Obama ayaa sheegay in caalamka ay tahay inuu hadda uu xooga saaro xabad joojin.

Wasaarada caafimaadka ee Qaza ayaa sheegtay in tirada Falastiiniyiinta ee dhimatay inay dhaaftay shan boqol. Masar ayaa waydiisatay golaha xaquuqda bini'aadanka ee Qaramada Midoobay inay qabtaan shir deg deg ah oo looga hadlayo Qaza, waxayna qabanayaan Arbacada.