Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Soomaaliya : Qof la nool Aids

Magaalada Melbourne ee dalka Australia waxaa ka socda shirweynaha caalamiga ah ee HIV Aids oo lagu soo bandhigay daraasado cusub oo cudurka laga sameeyey.

Dhulka Soomaalida dad badan ayaa qaaday oo la nool cudurka. Qaar waa qarsadaan, qaarka kalena waxay raadsadaan si loo kaalmeeyo.

Dadka sheegtay cudurka, isla markaana dadka kale ee uu hayo HIV AIDS talo siiya waxaa ka mid ah Maxamed Siciid Shire oo ka tirsan hay'ad u dhaqdhaqaado dadka cudurkaasi la nool ee Muqdisho.

Suheyba Maxamed Badqas ayaa khadka telefoonka kula xiriirtay oo ugu horayntii waydiisay, bal sidii uu ahaa dareenkiisa markii loo sheegay in uu qaba cudurka.