Weerar afar lagu dilay Mombasa

  • 21 Luulyo 2014
Mombasa Image copyright Reuters
Image caption Weerarro tiro badan ayaa ka dhacay gobolka xeebta toddobaadyadii la soo dhaafay

Dablay hubaysan ayaa magaalada Mombasa ku dishay afar ruux oo rayid ah.

Dhowr ruux oo kale ayaa lagu dhaawacay weerarkaas ka dhacay magaalada dalxiisayaashu ku badan yihiin ee xeebta dalka Kenya.

Boliisku waxay sheegeen in dablayda ay si aan kala sooc lahayn dadka u tooganayeen.

Gobolka xeebta ee Kenya waxaa toddobaadyadii la soo dhaafay ka dhacay weerarro is daba joog ah oo toboneeya ruux ay ku dhinteen.

Weerarradaas intooda badan waxaa sheegtay ururka Al-Shabaab, balse dowladda Kenya ayaa waxay arrintan ku eedeysay siyaasiyiin maxalli ah.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan