Kooxaha CAR oo xabbad joojin iska raacay

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Malleeshiyada masiixiyiinta ee Anti-balaka ee CAR

Dhinacyadda isku haya Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika ayaa ku heshiiyay xabbad joojin kaddib markii ay wadahadal ku yeesheen dalka Congo-Brazzaville.

Fallaagada Seleka ayaa kulankii dhexdhexaadinta ahaa ka sheegay in ay doonayaan in dalka la kala gooyo.

Xabbad joojinta u dhexeysa Seleka iyo Anti-balaka ayaa lagu heshiiyay in ay sida ugu dhaqsaha badan uga dhaqan gasho gebi ahaanba dalka Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika.

Wadaxaajoodka oo bilowday Isniintii ayaa inta uu socday waxa la isku mari waayay, arrimo ay ka mid yihiin hub ka dhigista maleeshiyaadka iska soo horjeeda.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption dagaal yahaniinta kooxda Muslimiinta ee Seleka ee CAR

Mohamed-Moussa Dhaffane oo jabhadda Seleka ku matalayay wadahadalka ayaa Talaadadii sheegay in ay doonayaan in dalka laba loo kala gooyo, si Muslimiinta ku nool Waqooyiga ay u bad baadaan.

Balse Madaxweynaha Congo Brazzaville oo dhexdhexaadinayay labada dhinac ayaa Seleka ku qanciyay in taasi aanay suuragal ahayn, sidaasna waxaa lagu saxiixay heshiiska xabbad joojinta.

Qodobada heshiiska xabbad joojinta ayaa waxaa ka mid ah in la ilaaliyo xuquuqda dadka rayidka ah oo aan la bartilmaameedsan.

Lama oga sida ay dagaalyahannada labada dhinac usoo dhaweyn doonaan xabbad joojinta, taasoo ay dadka qaar u arkaan tallaabo horay loogu qaaday sidii nabad looga dhalin lahaa dalkaasi.

Kumannaan qof ayaa ku dhintay dagaalka diinta salka ku haya ee Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika ka dhacay bilihii ugu dambeeyay.