Cudurka Ebola oo Nigeria lagu arkay

Image caption ku dhowaad 600 oo qof ayaa galbeedka Afrika ugu dhimatay cudurka Ebola

Caasimada dalka Nigeria ee Lagos, waxaa baaritaan lagu sameeyay nin laga shakiyay kaddib markii lagu arkay astaamaha cudurka dilaaga ah ee Ebola.

Haddii ninkaasi laga helo cudurka, waxa uu noqonayaa kiiskii ugu horreeyay ee lagu arko Nigeria.

Tan iyo bishii Febraayo ee sanadkan, dad ka badan 600 oo qof ayaa galbeedka Afrika ugu dhintay cudurka Ebola.

Ninka oo ah 40 jir ah una dhashay dalka Liberia ayaa Lagos soo gaaray Axadii lasoo dhaafay, waxaana la sheegay in uu xannuunka soo ritay ka hor inta aanan cisibtaalka loo la cararin.

Markii cisbitaalka la geeyay ayaa dhakaatiirtu waxa ay galiyeen qol gooni ah, iyadoo laga cabsi qabay in uu qabo cudurka dilaaga ah ee Ebola.

Waxaa baaritaan lagu sameynayaa dhiiga ninkan, waxaana dhiig laga qaadey loo diray shaybaarka ay ha'yadda caafimaadka adduunka ku leedahay caasimada Senegal ee Dakar.

Bukaanka ayaa lagu soo warramayaa in xaalladiisu ay degan tahay balse uu weli ku jiro karantiil.

La taliyaha dhanka caafimaadka ee maamulka gobolka Lagos, Yewande Adesina, ayaa sheegay in dowladda aysan dhayalsaneynin kiiskan, oo ay ula tacaaleyso sidii iyada oo Ebola lagu arkay Nigeria.

Qaar ka mid ah dadka Nigeria ayaa ka walaacsan sida ay cisbitaallada dalkaasi ula tacaali karaan haddii uu cudurka dilaaga ah ee Ebola dalkaasi ka dilaaco.