Ebola oo aad ugu fidaya galbeedka Afrika

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Cudurka Ebola ee dalka Sierra Leone

Afhayeen u hadlay wasaaradda caafimaadka ee Sierra Leone, ayaa sheegay in qaraabadda haweeneyda cudurka laga helay, ay xoog kaga saareen cisbitaalka King Harman Road, halkaasi oo lagu karantiilay.

Kiiskan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee lagu arko caasimadda dalkaasi ee Freetown.

Idaacaddaha caasimada ku yaalla ayaa baahinaya fariin dadka loogu baaqayo, in ay gacan ka geystaan soo qabashada haweeneyda, maadaama ay khatar caafimaad ku tahay bulshada ku nool magaalada Freetown.

Waxaa lagu soo warramayaa in shacabka Sierra Leone ay aad uga walaacsan yihiin qaabka loola tacaalayo cudurkan dilaaga ah.

Marie Christine, waa isuduwaha xaalladaha degdeg ah ee hay'adda Medecins Sans Frontieres, waxaana ay sheegtay in cudurku uu ku sii baahayo Sierra Leone.

Waxa ay tilmaamntay in xaaladda ay yara xuntahay, “nasiib daro waxaa maalin kastaa la helayaa kiisas cusub, waxaan u baahannahay in kormeero la sameeyo si xaqiiqdii la isugu deyo in si dhaqsa ah aan u joojino faafidda cudurkan ka dillaacay Sierra Leone”.

Waxaa ay intaa ku dartay in ay muhiim tahay wacyi galinta dadweynaha si loo joojiyo faafida cudurka. Iyadoo xaqiijisay inay jiraan dad aan diidan jiritaanka cudurka.

Lahaanshaha sawirka REUTERS
Image caption Qof laga helay Ebola oo Nigeria ku dhintay

Dhanka kale, wasaaradda caafimaadka ee Nigeria ayaa xaqiijisay in nin Liberia u dhashay uu cudurka Ebola ugu dhintay caasimadda Lagos.

Ninkan oo xanuunkiisa laga shakiyay ayaa ku jiray qeybta karantiilka ee cisbital ku yaalla Lagos.

Tan iyo bishii February ee sanadkan, cudurka ayaa galbeedka Afrika ku dilay dad ka badan 660 qof.

Waxa uu ka bilowday dalka Guinea, kaddibna waxa uu ku faafay dalalka Liberia iyo Sierra Leone.