Hindise xabadda lagu joojinayo Qaza

Qaza Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Ugu yaraan 800 oo ruux ayaa lagu dilay Qaza

Maraykanka iyo Qaramada Midoobay ayaa ku boorinaayo Israel iyo kooxaha Palestiniyiinta oo ay ku jirto Hamas inay aqbalaan xabad joojin bani'aadamnimo.

Iyadoo ay socdaan dadaallo diplomaasiyadeed ayay tirada Falastiiniyiinta ee lagu dilay weerarka Israel ee Qaza ay kor u dhaaftay 800.

Ugu yaraan 33 askari oo reer Isra'iil ah, 3 rayid ah iyo qof u dhashay Thailand ayaa lagu dilay gantaallada Xamaas iyo dagaalka Qaza.

Guddiga amniga Isra'iil ayaa lagu wadaa inay yeesheen kulan ay kaga doodayaan marxaladda labaad ee xabad joojinta uu soo jeediyay xogahaha arrimaha dibadda Maraykanka, John Kerry,

Wararka ayaa sheegaya in xabadjoojinta bani'aadamnimo ay socon doonto todobaad, oo ay bilaabmeysa Axadda inta lagu jiro wadaxaajoodyada ah in xal waaro laga gaaro arrintan.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan