Israa'il: Waan ogolnahay xabad joojinta

Image caption Burbur ka dhashay duqeynta Qaza

Israel ayaa aqbashay codsigii uga yimi UN-ka ee lagu doonayay in xabbad joojin laga sameyo Qaza muddo 24 saacadood ah, laakiin waxay ka digtay in ciidamadeedu tillaabo qaadi doonaan hadii dableyda Falastiiniyiintu xabbadjoojinta jebiyaan.

Shir wasiiradu yeesheen oo colaada looga arinsanayay ayaa xabbadjoojintii Sebtidii la gaaray sii dheereeyay illaa Axada 9ka fiidnimo. Tillaabadaan lagu dhaqaaqay ee xabbad joojinta ayaa imanaysa ayadoo Xamaas ay weli sii wadaan inay ku ridaan gantaalo Israa'il ka dib markii ay Xamaas diiday isku day hore oo lagu damacsanaa in xabbad joojinta waqtigeeda lagu dheereeyo.

Xamaas ayaa sheegtay inay doonayso xabbada oo gebi ahaan la joojiyo ayagoo Israa'il ku eedeeyay inay heshiiska u isticmaalayso inay ku diyaariso weeraro kale.