Israa'il oo qiratay weerkii xarunta QM

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Iskuulka UN-ka ee Qaza

Ciidamada Israa'il ayaa qirtay in ay gantaalo ku riday xarun iskuul ah oo dadka soo barakacay hoyi u aheyd oo ay leedahay Qaramada Midoobay oo ku taala marinka Qaza.

Waxa duqeyntaasi ku dhintay 13-qof halka dad badana ay ku dhaawacmeen maalintii khamiista aheyd.

Afhayeenka ciidamada milatariga Israa'il ayaa sheegay in baaritaano ay muujiyeen in gantaal uu halkaas ugu dhacay si khalad ah, mana uu san geysan wax dhimasha ah, sababtuna ay tahay sawira lagu qaaday setlite-ka ayaa muujinaya in goobtaasi ay banaaneyd markii uu gantaalka ku soo dhacay.

Afhayeenka ayaa ku tilmaamay in dadka la sheegay inay ku dhinteen gantaalka xaruntaasi ku dhacay in ay yihiin dad meelo kale ku dhintay oo maydadkooda la keenay xarunta Qaramada midoobay, si kaddib dilkooda loogu eedeeyo Israa’il.

Qaramada Midoobay ayaa dalbaneysa in baaritaan buuxo lagu sameeyo dhacdadan.

Tan iyo markii dagaalku bilowday in ka badan 1000 Falastiiniyiin ah iyo 42 Israa'iiliyiin ah oo 2 ka mid ah ay rayid ahayeen ayaa dagaalka ku dhintay.