Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Muqdisho: Howlgal lagu baarayo hub

Xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho waxaa waqti danbe oo xalay ah ka bilowday hawgal dhinaca aminiga ah oo lagu baarayay guryaha iyo garaashyada, iyadoo wadooyin muhiima ay xirnaayeen inta hawgalku socday.

Hawgalka waxaa si wada jira u qaaday ciidamada dawladda iyo kuwa AMISOM, waxaana markii danbe weriyayaasha loo soo bandhigay hub la sheegay in hawgalka lagu soo qabtay, inkastoo aan la sheegin cid loo soo xirey hubkaasi.

Weriyaha BBC Ibraahim Maxamed Aaden ayaa warbixintan Muqdisho ka soo direy.