Ukrain oo weerartay mucaaradka bariga

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Goobta ay ku dhacday diyaarada Malaysia ayaa wali dagaal ka socdaa.

Ciidamada Ukrain ayaa bilaabay dagaal ay kaga soo horjeedaan mucaaradka uu Ruushku taageero si ay ula wareegaan meeshii ay diyaarada Malaysia ku dhacday.

Afhayeenka dowladda ayaa sheegay in ciidamada ay isku dayayaan in ay qabsadaan goobta diyaarada ay ku dhacday, si ay kooxaha caalamiga u baaraan waxa sababay dhicida diyaarada.

Diyaarada oo ay saarnaayeen sddex boqol oo qof ayaa ku soo dhacday toban maalmood ka hor meel ay mucaaradka haystaan.

Kormeerayaasha caalamiga ayaa sheegay dagaalka inuu saamayn karo baaritaanada. Dagaal culus ayaa lagu soo waramayaa inuu ka socdo magaalooyinka ay mucaaradka haystaan ee Horlivka iyo Shakhtarsk.