Israa'il oo si xoogan u duqeysay Qaza

Lahaanshaha sawirka
Image caption Duqeynta Israa'il ee Qaza

Israa'il ayaa duqeymo xooggan ka gaysatay marinka Qaza, saacado yar un kaddib markii xogahayaha guud ee Qaramada Midoobe Ban Ki moon uu ku baaqay xabad joojin aanan shuruud lagu xirin.

Mr Bam waxa uu xoojinayey baaq uu soo jeediyey golaha ammaanka ee Qaramada Midoobe.

Duqeynta Israa'il waxa ka sii horeeyey hadal uu jeediyey Rai'sal wasaaraha Israa'il Benjamin Natinyahu oo sheegay in ay tahay in Israa'il isu diyaariso olole dheer oo ka dhan ah Qaza.

Raisal wasaaraha ayaa sheegay in israa'il ay sii wadi doonto duqeynta ilaa ay ka gaarto hadfkeeda ah in ay burburiso shabakadaha gododka ah ee Xamas ka sameysatay Qaza oo ay ku weerarayso Israa'il.

Wararkii ugu dambeeyeyna waxay sheegayaan in diyaaradaha israa'il ay duqeyeen guriga Rai'sal wasaarihii hore ee Falastiin ahna hoggaamiyaha Xamaas Ismaacil Haniya, sidaasi waxa laga soo xigtay sarakiisha ku sugan Qaza.

Wakaalada wararka ee Reuters ayaa iyaduna waxay ku warramaysaa in la aaminsanyahay in guriga aanay cidna ku sugnayn markii uu weerarkaasi dhacayey

Ururka Xamaas ayaa sidoo kale sheegaya in la weeraray Telefishin iyo Raadiya uu leeyahay ururka.