Warbixin ku saabsan rabshadaha diimaha

Waaxda arrimaha dibada ee dalka Mareykanka ayaa soo saartay warbixin ay ku sheegeyso in qalalaasaha iyo dagaalada ku saleysan diimaha ay ku qasbeen bulshooyinka diimaha kala gedisan heysta in ay isaga cararaan guryahooda tiro aanan horay loo arag.

Suuriya ayaa aad uga dhex muuqatay warbixintan sanadlaha ah, waaxda arrimaha dibada ee Mareykanka ayaa ku tilmaantay in bulshooyinka masiixiga ah ee dalkaasi wax ay iska badaleen iyadoo tusaale u soo qaadatay in kun-qof oo kiristaan ah oo keliya ay ku soo hareen magaalada Xomis.

Dagaalka u dhaxeeya masiixiyiinta iyo muslimiinta dalka jamhuuriyada bartamaha Afrika ayaa sidoo kale lagu xusay warbixintan, waxaa sidoo kale la xusay qulqulatooyinka iyo rabshadaha lagu hayo dadka Islaamka ah ee ku nool wadanka Barma.

Warbixinta waxaa lagu canbaareeyey wadamo ay ka mid yihiin Shiinaha, Sacuudiga, Masar iyo Ruushka kuwaas oo lagu sheegay in ay weli xayiraado dhinaca diimaha ah ku hayaan shacabkooda.

Warbixintan ayaanan lagu xusin rabshadaha sanadkan ka dhacay dalka Ciraaq halkaas oo kumanaan kun oo qof ay ka carareen deegaanadooda oo ay la wareegtay kooxda Islaamiga ee Daacish.