Kubadda cagta oo laga mamnuucay Liberia

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Viruska Ebola waa mid halis ah

Xiriirka kubadda cagta ee Liberia ayaa joojiyay dhamaan ciyaarihii kubadda cagta iyaga oo isku dayaya in uusan sii faafin Virus-ka dilaaga ah ee Ebola.

Xiriirka kubaddu waxa uu sheegay in ay jirto halista virus-kaasi maadaama oo kubaddu tahay ciyaar adka jidhkoodu istaabtaan.

xukuumaddu waxa ay shaqaalaha qaarkood u sheegtay in ay guryaha joogaan ilaa iyo inta looga sheegayo inay ku soo noqon karaan shaqada.

Shaqaalahaas waxaa ka mid ah kuwa wasaaradda maaliyada, wasaaraddaas oo uu ka shaqaynayay ninkii ku geeriyooday Nigeriya isaga oo safraya.