Ebol oo khatar ku ah UK

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Philip Hammond, xoghayaha arrimaha dibada ee UK

Cudurka Ebola oo dad ka badan 670 qof ku dilay galbeedka Afrika, ayaa khatar ku ah dalka Britain, sida uu BBC u sheegay xoghayaha arrimaha dibada ee dalkaasi, Philip Hammond.

Mr Hammond ayaa intaa ku daray in ay diirrada saarayaan khatarta faafida cudurka, ayna ka fikirayaan tallaabooyinka ay qaadi karaan si aanu cudurka ugu dhicin muwaadhiniinta Britain ee gudaha iyo dibadaba ku nool.

Ilaa iyo hadda lama sheegin muwaadhin British ah oo uu ku dhacay cudurkan ka dilaacay galbeedka Afrika.

Hadalka Mr Hammond ayaa kusoo beegmaya xilli dhakhaatiirta Britain la geliyay heegan qaran, cabsi laga qabo Ebola awgeed.

Dhanka kale, dhowr ah shirkaha duulimaadyada ayaa joojiyay safaradii ay ku tegi lahaayeen Liberia iyo Sierra Leone, cudurka Ebola awgiis.

Cudurka ayaa ka bilowday dalka Guinea, waxaana uu ku fiday dalalka Liberia iyo Sierra Leone.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan