Isra'iil "oo baarayso" duqeynta Iskuulka UN ee Qaza

Qaza Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Dhimashada Falastiiniyiinta ayaa haatan kor u dhaaftay 1200 oo ruux.

Afyaheen u hadlay dowladda Isra'iil ayaa sheegay in dowladdiisu ay baaritaan ku samaynayso duqeynta loo gaystay Iskuulka Qaramada Midoobay ee Qaza ee 19-ka ruux ay ku dhinteen.

Qaramada Midoobay ayaa horey u cambaareysay weerarkaas, waxayna sheegtay inuu xadgudub ku yahay xeerarka caalamiga ah.

Afhayeen u hadlay Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-moon, ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkaas.

Weriye ka tirsan BBC-da oo iskuulka la duqeeyay tegay, ayaa waxa uu arkay laba fasal oo duqeynta ku burburay, iyo sidoo kale kuraas iyo dhar dhiig leh.

Falastiiniyiin ay tiradooda ka badan tahay 150 kun oo ka qaxay duqeymaha saddexda todobaad socday, waxaana ay maciin bideen iskuuladda ay Qaramada Midoobay maamusho ee ku yaalla Qaza.

Israa’iil ayaa weli sii waddo weerarrada ay ku qaadayso Qaza, waxayna sheegaysaa inay ku bartilmaameedsanayso dhummaha dhulka hoostiisa laga qoday ee ay Xamas adeegsato.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan