Xamaas oo mar kale diidday xabad joojin

Qaza
Image caption Holac ayaa Qaza ka baxayay habeenkii xalay

Isra'iil ayaa weli sii waddo duqeynta Qaza, iyadoo wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in ugu yaraan 20 ruux ay ku dhinteen weerarradii ugu dambeeyay.

Ururka Islaamiga ee Xamaas ayaa sheegay in uusan diyaar u ahayn wax xabadjoojin ah intay Isra'iil ka joojinayso weerarrada isla markaana Qaza laga qaadayo xayiraadda saaran.

Ugu yaraan 16 ruux ayaa la dilay kaddib markii ay Isra'iil duqeysay xarun ay leedahay Qaramada Midoobay.

Dhowr ruux oo kale ayaa ku dhimatay weerarrada dhanka cirka, dhulka iyo badda ee Isra'iil weli ka waddo Qaza.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in aysan hayn dhaqaale ay ku daryeesha qaxootiga Qaza, waxayna Isra'iil uga digtay inay la wareegi doonto u daryeelidda qaxootiga 200,000 gaaraya ee guryahooda ka soo barakacay.

Ururrada Falastiiniyiinta ayaa la filayaa inay maanta Qaahira ku shiraan si ay uga wada hadlaan dalabkooda ku aadan xabadjoojin laga hirgeliyo Qaza.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan