Cunaqbateyn lagu soo rogay Ruushka

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Madaxweynaha Ruushka oo salaan ka qaadanaya Ciidanka

Cunaqabateenada ugu danbeeyey ee uu Mareykanka ku soo rogay Ruushka ayaa waxa ay ka mamnuucayaan bangiyada Ruushka iyo shirkadaha soo saara hubka ineey wax ka iibiyaan suuqyada Mareykanka, waxa ay sidoo kale cunaqabateenadani hakinayaan in Mareykanka uu maalgaliyo mashaariicda dhinaca hormarka Ruushka.

Madaxweynaha Mareykanka Barak Obama ayaa waxa uu rajeynayaa in talaabooyinkani ay cadaadis ku kordhin doonaan madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin kuna qasbi doonaan inuu wax ka badalo mowqifyada uu ka qaatay.

Cunaqabateenada horay Ruushka loo saaray ayaa u muuqda kuwa aan guuleysan, madaxweyne Obama waxa uu meesha ka saaray in cunaqabateenadan ugu danbeeyey ay yihiin bilowga dagaal cusub oo qaboow.

Xiriirka ka dhaxeeya Mareykanka iyo Ruushka ayaa ah mid ay adagtahay in la fahmo waayo labada wadan waxaa jiro arrima kale oo ay ka mideysan yihiin kuwaas oo ka mid ah barnaamijka Nukliyerka Iran iyo hubka kiimikada in laga saaro dalka Suuriya