Daanyeer khamriga loo diiday

Image caption Kenya ayaa ka digtay in daanyeerta khamri la siiyo

Dadka ku safra mid ka mid ah wadooyinka ugu saxmada badan dalka Kenya ayaa lagu amray in aanay khamri siin daanyeerta.

Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa dalka Kenya, ayaa soo xigtay agaasimaha adeega duurjoogta ee dalkaasi, William Kibet Kiprono oo sheegaya in khamrigu uu saameyn la mid ah tan bani’aadanka uu ku leeyahay daanyeerta.

Kiprono ayaa intaa ku daray in daanyeerta khamriga la siiyo ay dhibaato geysan karaan, ayna dadka dili karaan.

Dhanka kale, dadka deegaanka Naivasha ayaa ka cabanaya dhibaato kaga timaada daanyeerta, oo ay sheegeen in ay beeraha iyo xoolahaba ka cunaan.

Waxaa la aaminsan yahay in keymaha Kenya ay ku nool yihiin daanyeero tiradooda lagu qiyaasay 7,000.