Ebola: Liberia oo la xiray iskuulada

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Shaqaalaha caafimaadka oo la tacaalaya cudurka Ebola

Dalka Liberia waxa looga dhawaaqay talaabooyin la doonayo in wax looga qabto cudurka Ebola. Waxa la amray in la xiro dhamaan Iskuulada, iyo in la fasaxo shaqaalaha laga maarmo ee dowladda.

Xooggaga amaanka ayaa lagu amray in ay meelmariyaan talaabooyinka lagu dhawaaqay.

Madaxweynaha dalkaasi Liberiya Ellen Johnson Sirleaf, ayaa waxay sheegtay in shacabka laga doonayo in ay u hoggaansamaan tallaabooyinkan.

In ka badan 670-qof ayuu cudurka Ebola ku dilay Galbeedka Afrika tan iyo markii lagu arkay bishii Feberaayo.

Dadaalada caalamiga ah ee lagu joojinayo faafida Ebola ayaa la sii xoojiyey.

Hay'adda gargaarka ee saldhigeedu yahay maraykanka ee la yiraahdo Peace Corps ayaa sheegtay in ay kala baxayso shaqaala gaaraya 340 dalalka Liberia, Sierra Leone iyo Guinea.