Netanyahu: Waan wadaynaa duulaanka Qaza

  • 31 Luulyo 2014
Image copyright AFP
Image caption Ra'iisul wasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in ciidammada dalkiisa ay sii wadi doonaan duulaanka Qaza tan iyo inta ay ka burburinayaan dhammaan marinada dhulka hoostiisa ah ee uu ururka Xamas dhistay.

Netanyahu ayaa intaa ku daray in burburinta marinada dhulka hoostiisa ah aanay jojin doonin xataa haddii la gaaro xabbad joojin.

Israa’iil ayaa u yeertay 16,000 oo ka mid ah ciidammadeeda keydka ah si ay duulaanka uga qeyb qaataan.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in tirada shacabka ku barakacay dagaalka Qaza ay gaartay 425,000 oo qof, waxaana 225,178 qof oo barakacayaal ah ay ku nool yihiin goobo ay Qaramada Midoobay maamusho oo ku yaalla Qaza.

Duulaanka Qaza oo bilowday saddex todobaad ka hor ayaa waxaa ku dhintay Falastiiniyiin ka badan 1,360 halka Israa’iilna looga dilay 59 u badan askar.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan