Xildhibaan kale oo Muqdisho lagu dilay

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Dowladda Soomaaliya waxaa ay aad ugu howlan tahay sugidda amniga Muqdisho, iyadoo weli ay socdaan dilalka qorsheysan.

Rag hubaysan ayaa toogtay xildhibaan Sheekh Aden Maxamed Deer oo ahaa gudoomiyihii guddiga maaliyadda Baarlamanka Soomaaliya goob ku dhaw gurigiisa degmada Xamar Weyne.

Dad goob joog ahaa ayaa BBC-da u sheegay in dabley ku sugaysay gurigiisa agtiisa, markii uu ka soo laabtay masjidka marwaas salaadii jimcaha kadib ay rasaas ku fureen xildhibaanka isagoo isla goobta ku geeriyooday.

Ma jirto illaa iyo hadda cid sheegatay dilka xildhibaan Sheekh Adan Maxamed Deer, waana xildhibaankii shanaad ee sanadkan lagu dilo Muqdisho.