Xildhibaan lagu dilay Muqdisho

Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya

Guddoomiyaha guddiga maaliyadda ee baarlamaanka Soomaaliya, Sheekh Aden Madeer ayaa goor dhowayd lagu dilay magaalada Muqdisho.

Sheekh Aaden Madeer ayaa horay wasiir uga soo noqday dowladihii ku meelgaarka ahaa ee ugu dambeeyay.

Maamulka degmada Xamarwayne oo ah goobta lagu dilay isagoo maxjidka Marwaas ka soo baxay salaadda duhur, ayaa xaqiijiyay dilka xildhibaanka.

Xarakada al-Shabaab, ayaa sheegtay in ay ka dambaysay dilka xildhibaanka.