Dhulgariir ka dhacay Shiinaha

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Burburka dhulgariirka

Dhul gariir xoooggan ayaa ku dhuftay koonfurg albeed Shiinaha.

Warbaahinta Shiinaha ayaa sheegay in ugu yaraan 150 dad ah geeriyoodeen iyadoo tiro kale oo badan ay ku dhaawacmeen.

Wakaalada sahanka cilmiga dhulka ee Maraykanka ayaa sheegay in gariirka uu cabirkiisa yahay 6.1 uu guntiisa ahaa gobalka Yunnan.

Saraakiil deegaanka ah ayaa sheegay in tiro badan oo dhismayaal ah oo guryo iyo iskuulo isugu jira ay ku burbureen, iyadoo isgaarsiinta uu dhaawac xooggan gaaray.