Bukaan qaba Ebola oo la geeyay USA

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Waa looxad ay ku qoran tahay Ebola waa uu jiraa ee aynu iska ilaalino

Mid ka mid ah laba qof oo Ameerikaan oo ah kii ugu horreyay oo la xanuunsanaya cudurka Ebola ayaa gaaray waddanka Mareykanka si halkaasi loogu daweeyo.

Taasi ayaa noqonaysa markii ugu horreysay oo qof qaba cudurkaasi inta la ogyahay uu dalka Mareykanka galo.

Kent Brantly, oo ah dhakhtar ka tirsan hay'ad samafal ah oo fadhigeedu yahay Mareykanka oo lagu magacaabo Samaritans Purse ayuu cudurkaasi ku dhacay isaga oo ka shaqaynaya dalka Liberia.

Diyaaradda Khaaska ah ee sidday Kent Brantly ayaa soo caga dhigatay saldhig ay ciidammada cirka Mareykanka ku leeyihiin gobolka Georgia wax yar un ka hor lix saac wakhtiga dalkaasi Mareykanka.

Muddadii lagu guda jiray duulimaadkaasi ayaa Kent waxaa lagu hayay gudaha teendho lagu karantiilay, waxaana haatan lagula tacaalayaa cusbitaal khaas ah oo ku yaalla magaalada Atlanta.

Dhakhtar ku takhasusay cudurada faafa oo ka howlgala xaruntaasi lagu dabiibayo ninkani qaba cudurka Ebola ee lagu magacaabo Dr Jay Varkey ayaa difaacay go’aanka loogu ogolaaday in ninkani bukaanka ah uu dalka soo galo, iyada oo la ogsoon yahay halista ka dhalan karta arrintaasi, waxa uuna sheegay in ninkaasi uu u baahnaa in la daweeyo.

Bukaanka labaad oo Mareykan ah isla markaana ay saaxibo yihiin Dr Brantly ayaa wali ku sugan dalka Liberia.

Nancy Writebol, ayaa lagu wadaa in loo soo duuliyo magaalada Atlanta maalmaha soo socda.

Labadani bukaan ayuu cudurkani soo ritay kaddib markii ay caawiyeen dad qaba cudurka Ebola oo ku sugan mid ka mid ah dalalka ugu xun ee uu cudurkani ka dillaacay.

Cudurkaasi Ebola ayaa bilihii ugu dambeeyay waxa uu galaaftay noolasha 700 oo qof.