Caafimaadka Gaza oo laga dayrinayo

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Canug Falastiini ah oo ku dhaawacmay duqeynta Israa'iil oo lagu dabiibayo xarun caafimaad

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay oo ku sugan Marinka Gaza ayaa ka digay in halkaasi ay ka dilaaci karto musiibo dhanka caafimaadka ah oo ay baaxadeedu aad u weyn tahay, kaddib saddex todobaad oo ay dagaalo culusi halkaasi ka socdeen.

Chris Gunness, oo ka tirsan Hay’adda Qaramada Midoobay u qaalibsan Gargaarka ayaa sheegaya in adeegyada caafimaadka ee Gaza ay qarka u saaran yihiin in ay burburaan.

Chris waxa uu sheegay in xarumaha caafimaad ee ku yaalla Marinka Gaza ay soo gaartay waxyeelo, iyadoo ugu yaraan kala bar xarumaha caafimaadka ee dadweynaha ay xiran yihiin.

Xarumaha caafimaad ee weli shaqeynaya ayaa ah kuwo ay dadku ka tan bateen, waxa uuna sheegay in ugu yaraan boqolkiiba 40 howlwadeenada caafimaadka aysan awoodin in ay soo xaadiraan goobahooda shaqo.

Qoraalo uu soo dhigay bogiisa Twitterka, ayaa Chris waxa uu ka digay in saadka dawada uu aad hoos ugu dhacay, isbitaaladana ay ku howlgalaan koronto aan la isku haleyn karin, waxa uuna intaasi ku daray in biyo la’aanta iyo nadaafad darrida halkaasi ka jirta ay halis u tahay in ay dilaacaan cuduro.

Dhanka kale milateriga Israa’iil ayaa sheegay in ay ogaadeen in askarigii lagu waayay Gaza ee Xaddar Goldin, lagu dilay dagaal ka dhacay koonfurta Marinka Gaza maalintii Jimcaha.

Taliyaha milateriga Israa’iil iyo saraakiil sarsare ayaa booqday guriga askarigaasi si ay qoyskiisa ugu wargaliyaan geeridiisa.

Xamaas, ayaa horray u sheegtay in ay rumeysan yihiin in askarigaasi uu ku dhintay dagaalka, balse Israa’iil ayaa ku hanjabtay markii la waayay askarigaasi in arrintaasi Xamaas loo ciqaabi doono.

Waxaana milateriga Israa’iil uu billaabay baadi goob xooggan oo lagu raadinayo askarigaasi, taasi oo keentay in tira badan oo Falastiiniyiin ah ay dhintaan.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan