Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Muqdisho: Dumar ku dhintay qarax

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Dumarka joogay meesha qaraxa uu ka dhacay oo argaxgaxsan.

Saddex dumar ah ayaa ku dhintay kow iyo toban kalena oo u badan dumarka ka shaqeeya nadiifinta wadooyinka Muqdisho ayaa ku dhaawacmay, kadib markii qarax loo sii galiyay qashin ay saaka ka gurayeen waddada hormarta carwadii hore ee caalamiga ah ee degmada Hodan uu ku qarxay.

Dhaawacyada oo la gaarsiiyay cisbitalka Madiina ayaa qaarkood waxa ay ahaayeen kuwa halisa waxaana la tacaalayay dhakhaatiirta.

Wariyaha BBC-da ee magaalada Muqdisho Ibraahim Maxamed Aaden, oo tagay cisbitaalka markii dhaawacyada la geeyay ayaa warbixintan Muqdisho ka soo direy.