Saddex dil toogasho lagu fuliyay

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Qaraxyada iyo dilka ayaa ku batay Muqdisho.

Magaalada Muqdisho waxa saaka meel fagaare ah lagu toogtay sedex nin oo la sheegay in ey ka tirsanaayeen Al-shabaab, kuwaas oo ay maxkamadda ciidamadu ku xukuntay dil toogasho. Maxkamada ayaa sheegtay in lagu helay danbiyadii lagu soo eedeeyay oo ay kamid ahaayeen iney horey u dileen xubno dawladda u shaqeynayay iyo dad rayad ah.

Ragga saaka dilka lagu fuliyay waxa ay kala ahaayeen Aaden Maxamed Xasan iyo Bashiir Xasan Maxamed oo maxkamadda ciidamadu sheegtay iney horey u dileen xubno dawladda u shaqeeynayay.

Ninka kale ee isna dilka lagu fuliyay waxa la oran jirey Xasan Muxiyadiin Xasan, waxana maxkamadu sheegtay in lagu helay inuu fududeeyay weerarkii bishii Ramadaan lagu qaaday xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho.