Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Mashruuca horumarinta Somaliland

Magaalada Hargeysa Hotel Ambassador waxaa maanta lagu qabtay munaasabad lagaga dhawaaqay bilowga mashaariicda Wasaaradda Qorsheynta ee Somaliland ugu talagashay 2014/2015 ee sanduuqa horumarinta Somaliland.

Mashruuca oo socon doona ilaa 2015-ka ayaa waxaa ku baxayso 22 milyan oo dollar oo ka timid dalalka Britain, Denmark iyo norway.

Mashaariicda hadda bilowday waxaa ugu mudan xagga horumarinta, deegaanka iyo xoolaha.