Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Cudurka Ebola iyo Somaliland

Somaliland ayaa ku dhawaaqday tallaabooyin ay kaga gaashaamaneyso cudurka halista ah ee Ebola ee ka dilaacay galbeedka Afrika.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr Saleemaan Ciise Xagla-toosiye ayaa faah-faahin ka bixiyay tallaabooyinkaasi isagoo u waramay warbaahinta.

Weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige oo wareystay Wasiirka, ayaa ugu horeyn waxa uu weydiiyay tallaabooyinka ay ilaa iyo hadda qaadeen ee ka hor-tagga cudurka Ebolo?