Ebola oo loo qoondeeyay 200m oo doolar

Ebola Lahaanshaha sawirka
Image caption Gegida diyaaradaha Nigeria ayaa dadka laga baaraya cudurka Ebola

Bangiga Adduunka ayaa shaaciyay in uu u qorshaynayo in lacag gaaraysa 200 oo milyan oo doolarka Mareykanka ah, oo loogu talagalay gurmad deg deg ah lagu caawiyo wadammada Galbeedka Afrika, si loo xakameeyo cudurka dilaaga ah ee Ebola.

Tallaabadan ayaa timid maalintii koobaad ee shirweynaha madaxda Afrika iyo Mareynka ee ka dhacaya magaalada Washington.

Dhaqaalahani ayaa waxaa loo qeybin doonaa dowladaha Liberia, Sierra Leone, iyo Guinea; iyo sidoo kale Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO.

Mustaqbalka dhaw, lacagtani ayaa loo adeegsan doonaa in lagu bixiyo kharashaadka howlwadeenada caafimaadka, islamarkaana meesha laga saaro wararka ku saabsan cudurkani oo ay bulshada isla dhexmarayso, iyo in wax looga qabto baahida degdega ah ee loo qabo in dadka la xanuunsan cudurkani la geeyo goobaha caafimaadka.

Mustaqbalka fogna, lacagtani waxaa loo isticmaali doonaa in lagu caawiyo wadammada in ay kula tacaalaan saameynta dhaqaale ee uu cudurkan reebay, iyo in lagula socdo faafitaanka cudurkani.

Dhaqaalahan ayaa haatan waxaa la sugayaa in uu meelmariyo guddiga maamula Bangiga Adduunka, inkastoo saraakiishu ay sheegayaan in meelmarinta la sameyn doono xilliga ugu dhaqsaha badan oo ah todobaadkan gudahiisa.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan