Weriyayaal lagu maxkamdeeyey Addis

Itoobiya Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Magaalada Addis Ababa waxaa ka billaabatay maxkamadaynta sagaal qoraa oo lagu eedeynayo argegixisanimo.

Waxaa dib loo dhigay maxkamadda weriyayaal iyo qorayaal loo haysto inay xiriir la leeyihin kooxo argegixiso ah dalka Itoobiya.

Sagaal qoraa ayaa maxakamad lagu soo taagay caasimada Itoobiya ee Addis Ababa.

Qoraayaashan in tooda badan waxay wax ku qorayeen baraha bulshada, waxaana lagu magacaabi jiray "qeybta 9-aad".

Waxaa lagu eedeynayaa inay ku lug lahaayeen falal argegixisanimo.

Dad tiro badan oo isgu jiro Itoobiyaan iyo ajnebi ayaa xaadiray maxkamadda weriyayaashan.

Guddiyada u dooda xuquuqda aadanaha ayaa dowladda Itoobiya ku eedeynayo in sharciyada argegixisanimada ay u adeegsanayso inay ku cabburiso xorriyadda saxaafadda.

Toddobaadkii la soo dhaafay ayaa Midowga Yurub waxay ugu baaqeen dawladda Itoobiya inay hubiso in maxakamadaynta raggan ay u dhacdo si hufan oo caddaalad ku salaysan.