Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Isqarxin ka dhacday Boosaaso

Taliyihii ciidanka booliska gobalka Bari ee Puntland iyo afar qof oo kale ayaa galabta ku dhintay qof isku qarxiyey gudaha xarunta boliiska qaybta booliska magalada Bosaso.

Col: Abdurahman Cali Cabbas oo ku magac dheeraa Col Muslim, sida ay sheegeen dadka yaqaan wuxuu ahaa nin aad ula dagaalamay Shababka ka hawlgala Puntland.

Haddaba wasiirka amniga ee Puntland Hassan Osman Aloore, ayaa weerarkii kadib telefoonka ku waraysanay isagoo oo waramay sidii ay wax u dheceen.