Haweeney loo kiraystay inay dad kale ilmo u dhasho

Gammy Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Haweeney loo kiraystay inay ilmo dad kale u dhasho oo canug ay u dhashay looga tegay

Lammaane u dhshay Austrain ayaa beeniyay in ay ka tageen wiil yar oo ay dhashay hooyo u dhalathay Thailand oo makaankeeda ay u isticmaaleen inay ilmo u dhasho.

Hooyadan loo kiraystay inay ilmaha u dhasho lamaanahaas ayaa sheegtay in loo soo celiyay wiilkan oo lagu magacaabo Gammy, sababtoo ah wuxuu ahaa naafo.

Qoyskan waxay qaateen oo keliya gabadha ay mataanaha ahaayeen ee caafimaadka qabtay.

Aabahan u dhashay Ausrtalia ayaa BBC u sheegay in dhakhaatiirtii howshan wadday ay u sheegeen oo kaliya gabadha, oo aan loo sheegin in sidoo kel wiil loo dhalay.

Arrintan ayaa sababtay caro ballaaran kaddib markii warbixin la soo dhigay baraha bulshada ee internet-ka, waxaana la uruuriyay lacag dhan 200,000 oo doolar, oo loogu talagalay in wiilkan lagu caawiyo.

Dalka Australia-na waxaa soo baxya baaq ah in la baddelo sharciyada la xiriira dumarka loo kiraysanayo in waaliddin kale ay ilmo u dhalaan.