Ina Faysal Waraabe oo ka dagaallamaya Ciraaq

Daacish
Image caption Ururka Daacish ayaa qabsaday dhul ballaaran oo ka tirsan Suuriya iyo Ciraaq.

Faysal Cali Waraabe, oo ah hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ee UCID ee Somaliland ayaa qirtay in wiil uu dhalay uu u dagaallamo kooxda Islaamiga ee Ciraaq iyo Suuriya ka dagaalanto.

Cajal muqaal ah oo ay soo saareen kooxda dowladda Islaamiga ee Ciraaq iyo Suuriya, ee Daacish oo la soo dhigay baraha internet-ka, ayaa waxaa ka muuqday wiil dhallinyara ah oo Soomaali ah oo ka mid ah dadkii ka soo haajiray qurbaha ee ku biiray jihaadka,sida uu u yiri.

Wiilkaas ayaa isku magacaabay Abu Shucayb al-Soomaali, balse magaciisa dhabta ah ayaa ah Sayid Xuseen Faysal.

Faysal waxaa uu sheegay in wiilkan horey loo waayay oo lagu arkay magaalada Hargeysa, kaddib markii uu ka soo dhuuntay Finland.

Waxaa uu sheegay in xaaladda Sayid Xuseen ay la socdeen, balse uu ka baxsaday.