Kerry: Ha laga faa'ideysto xabadjoojinta

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Dad ku noqonaya Qaza xabadjoojinta markii ay billaabatay

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka John Kerry ayaa ku baraarujiyay Israa’iil iyo Falastiin inay ka faa’ideystaan fursadda xabadjoojinta, ayna horey u qaadaan tallaabo ay ku xoojinayaan wadahadalada.

Mr Kerry ayaa BBC-da u sheegay in xaaladda ay maskaxda ku qasabto inay ka fakarto “xal laba dal dhexmara”.

Waxa uu sheegay in Israa’iil ay xaq u leedahay inay iska difaacdo gantaalada dhanka Falastiin uga imaanaya, wuxuuna arrintaasi ku eedeeyay Xamaas.

Balse, waxa uu garwaaqsaday inay jirto waxa uu ku qeexay “burburin waxshinimo ah”.

Kumannaan reer Falastiin ah ee dib ugu noqday guryahooda Qaza maalintii ugu horeysay ee xabadjoojinta oo ahayd 72 saac oo heshiis ah oo ay wada gaareen Xamaas iyo Israa’iil.

Israa’iil ayaa wafdi u dirtay magaalada Qaahira ee dalka Masar si ay halkaasi ugu soo gaaraan heshiis xilli dheer ah oo lagu soo afjaro qalalaasaha kala dhexeeya Falastiin.