Dayax-gacmeedka Rosetta

Lahaanshaha sawirka PA

Dayax-gacmeedka Europe ee Rosetta, ayaa ku guulaystay in uu ku wareegsado oo uu dhinac duulo walxo baraf iyo budo ka samaysan oo markay qoraxda u dhowaadaan gaas iyo budo isku badala.

Waxaa uu noqonayaa qalabkii ugu horeeyay ee bini'aadam sameeyo oo tallaabo noocaas ah ku dhaqaaqa.

Howlgaladii hore ayaa si xowli ah ku dhaafay oo baaritaankii la damacsanaa samayn kari waayay.

Kadib toban sano oo lagu eryanayay walxahan hawada sare , ayaa dayaxgacmeedka aanay saarnayn bini'aadamku waxaa qorshaha looga gol leeyahay uu yahay in muddo sanad ah uu kormeero si loo ogaado in biyo iyo hawo lagu neefsan karo ay halkaas ka jirto.

Waxaa kaloo isku dayi doonaan in qalab la dul dhigo halkaas.

Howshan ayaa ka dhacay meel ku dhowaad shan boqol oo million oo kilomitir u jirta dhulka.