Sunniyiinta Ciraaq oo magaalo qabsaday

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Ciidamada Kurdiyiinta ee Ciraaq

Wararka ka laga helayo waqooyiga Ciraaq ayaa tilmaamaya in kooxaha sunniyiinta ah ee Daacish ay qabsadeen magaalada Qaraqosh oo ah magaalo ay ku badanyihiin masiixiyiinta.

Waxa sidoo kale la sheegayaa in ay qabsadeen magaalooyin kale oo dhowr ah.

Baadari maxali ah ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Fransiiska in kumanaan kristiyaan ah ay ka cararayaan magaalada.

Waxa lagu soo waramayaa in ay isaga baxeen magaalada xooggaga Kurdiyiinta oo markii hore hortaagnaa kooxada daacish.