Isra'iil oo dib u billawday duqeynta Qaza

Image caption Muddadii xabbad joojinta ayaa dhamaatay Jimcaha

Israa'iil waxay dib u billawday duqayntii ay ku haysay Qaza iyadoo ka jawaabayso gantaallo lagu soo riday wax yar kaddib markii ay dhamaatay saddexdii maalmood ee xabad joojinta.

Saraakiisha Falastiiniyiintu waxay sheegeen in duqaymaha xagga cirka ah ee Israa'iil ay dileen canug yar oo 10 sano jir ah.

Wadahadalladii ka socday Masar ee u dhexeeyay labada dhinac ayaa dhamaaday iyadoo aan wax heshiis ah laga gaarin.

Israa’iil ayaa horey u sheegtay inay diyaar u tahay kordhinta xabadjoojinta uu xilligeeda dhaamaday.

Xamaas ayaa diidday in la kordhiyo xabad joojinta haddi aan la isku afgaran in marinka Qaza laga qaado xayiraadda saaran, tan iyo markii ay qabsatay xukunka sanadkii 2007-da.