Ra'iisalwasaaraha cusub ee J.A.Dhexe

Image caption Ciidamada Faransiiska ee ku Sugan Jamhuuriyadda Bartamaha Africa

Mahamat Kamoun, waa 53-sanno jir, waa Rai'sul wasaarihii sedexaad oo soo mara dowladda ku meel gaarka ah ee la aasaasay bishii Maarso sanadkii 2013-kii.

Waxa uu ku taqasusay dhaqaalaha.Waxa uu madax ka ahaa wasaarada maaliyada dowladii uu hoggaamin jiray madaxweynihii xilka laga tuuray ee Francious Bozize kaasi oo ay xilka ka tuureen falaagada u badnaa Islaamka ee Seleka 2013-kii.

Waxa uu sidoo kale ahaa madaxa shaqaalaha Madaxweynihii hore Michel Djotodia, oo hogaamiya u ahaa isbaheysiga falaagada Seleka.

Waxa uu kaddib noqday lataliyaha qaaska ah ee Madaxweynaha hadda ee Kumeel gaarka ah Catherine Samba Panza taas oo loo xushay bishii Janaayo in ay hogaamiso dowladda ku meel gaarka ah.

Intabadan kooxda Anti-balaka ee masiixiyiinta ah ayaa ku qancay magacaabida Rai'sul wasaarahan cusub waxa ayna sheegeen in ay ka hortagayaan in dalkaasi uu qalalaase ka dhaco.

Lahaanshaha sawirka
Image caption Falaagada CAR

Laakiin falaagadii hore ee Seleka ayaa sheegay in ay doonayaan in qof dhankooda ka socdo loo dhiibo jagadaasi.

Rai'sul wasaarihii hore André Nzapayéké ayaa waxa uu is casilay talaadadii isaga iyo xukuumadiisaba.

Sida laga soo xigtay madaxtooyada, go'aankan la qaatay ayaa waxa uu la xiriira xabadjoojinta lagu soo saxiixay Congo-Brazzaville dabayaaqada bishii Luulyo.

Xubnaha falaagadii hore iyo kooxaha Anti-balaka ayaa waxa ay ku heshiiyeen in la joojiyo qalalaasaha.

Dhamaadka kulanka, ayaa Catherine Samba Panza waxa ay balanqaaday in laga helo furfurnaansho dhinaca siyaasada ah gudaha hay'addaha kumeel gaarka.

Xukuumada cusub ayaa lagu dhawaaqi doonaa maalmaha soo socda iyadoo suuragalnimada ah in laga qeybgaliyo xukuumada kooxahan hubeysan ay muran ka dhalisay dalkaasi.

Doorka Rai'sul wasaaraha cusub ayaa waxa uu noqonayaa in uu hogaamiyo siyaasada dowladdan ku meel gaarka ah iyo in sidoo kale uu xaqiijiyo in la ixtiraamo xabbad-joojinta