Gargaar loo gaynayo qaxootiga Ciraaq

Image caption Dadka Yazid iyo kiristaanka ayaa qatar ku jira.

Diyaaradaha Maraykanka iyo Britishka ayaa waxay hawada uga ridayaan gargaar dadka ku godoonsan buuraha waqooyiga Ciraaq ee ka soo cararay Islaamiyiinta ISIS.

Afhayeenka Pentogan, ayaa sheegay in konton shan kun oo cunto iyo kumanaan litaro oo biyo ah ay u geeyeen qaxootiga jooga buurta Sinjar.

Gargaarka ugu danbeeyay ayaa ah kii sadexaad ee Maraykanka iyo kii koowaad ee Britishka ay geeyaan. Faransiiska ayaa sidoo kale gargaar gaynaya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Faransiiska, Laurent Fabius, ayaa ugu baaqay Ciraaq inay samayso dowlad loo dhan yahay si dhibaatada looga baxo, hadalkan ayuu sheegay mar wadahadal uu kula yeeshay Baqdad wasiiro.