Ra'iisul wasaaraha Ciraaq oo iscasilaya

Lahaanshaha sawirka REUTERS US NAVY
Image caption Militariga Mareykanka ayaa weeraro ku qaaday kooxda ISIS

Afhayeen u hadlay xisbiga talada haya ee dalka Ciraaq oo lagu magacaabo, Dr Zuheyr Al Nahar, ayaa sheegay inay jiraan heshiisyo la isugu deyayo inuu iscasilaayo Ra’iisul wasaare Nouri al Maliki.

Al Nahar ayaa tilmaamay in Mr Maliki uu wadada u furayo qof kale oo kaga wanaagsan isu keenidda dadka reer Ciraaq.

Dr Zuheyr Al Nahar, oo ka socda xibiga ra’iisul wasaaraha ee Dawa, waxa uu tilmaamay in Ciraaq ay u baahan tahay tallaabo xoog leh oo military iyo dowlad wax qaban karta, si looga adkaado islaamiyiinta dhistay dowladda Islaamiga ah.

Madaxweyne Obama ayaa sheegay in militariga Mareykanka howlgalkooda ka dhan ah sunniyiinta ka dagaalamaya waqooyiga Ciraaq ay qaadan doonto dhowr bil.

Mr Obama ayaa sidoo kale tilmaamay sare u qaadidda awoodda ciidamada Ciraaq inay tahay mashruuc xilli dheer u baahan.

Waxa uu ku adkeystay in Ciraaq ay u baahan tahay in ay hesho dowlad dhexe oo mideysan oo awood leh sidii xubnaha dadka sunniyiinta ah ay uga mid noqdaan dowladda, loogana adkaado jihaaddoonayaasha Khilaafada dhistay.

Mr Obama ayaa xaqiijiyay inay waqti qaadaneyso in ciidamada amniga ee Ciraaq la isu soo uruuriyo oo kaallin muhiim ah ay ka qaataan dagaalka lagula jiro Daacish.