Xaalad gaajo oo ka jirta bariga Ukraine

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption xaalad xun oo bini aadamnimo ayaa kajirto bariga Ukraine

Madaxweynaha Ukraine, Petro Poroshenko, ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu ka fiirsado ogolaanshaha gargaar lagaarsiiyo meelaha ay mucaaradka maamulaan ee bariga dalkaasi.

Laakiin waxa uu tilmaamay in howshaasi ay noqoto mid caalami ah oo aan hubeysneyn, lagana gali karo oo keli ah baraha kontorool ee ciidamada Ukraine ay maamulaan.

Warka qoraalka ah ee uu soosaaray madaxweynaha Ukraine ayaa daba socday baaqa Ruushka ee ah in gargaar la gaarsiiyo dadka rayidka ah ee bariga Ukraine.

Mareykanka, Britain iyo Germany ayaa Ruushka uga digay in faragelin uu ku sameeyo gobolkaasi, xittaa haddii xukuumadda Moscow ay aaminsan tahay in xaalad xun oo bini aadamnimo ay ka jirto halkaasi.