Nouri al-Maliki oo sii hayn kara xilka

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Nouri al-Maliki Ra'salwasaaraha Ciraaq ayaa taageero ka helay maxkamada sare.

Telefishinka dowladda ee Ciraaq ayaa sheegaya in maxkamada ugu saraysa ee waddanka ay amar ku bixisay inuu xukunka sii hayo si ku meel gaar.

Maxkamada ayaa sheegtay, Mr Maliki inuu hayn karo xilkiisa iyo sida uu qorayo dastuurka Madaxweyne Fuad Masum inuu hadda waydiisto in la sameeyo dowlad cusub.

Mr Maliki ayaa madaxweynaha maxkamad geeyay, isagoo ku eedeynaya inuu dhaafay waqtigii loo qabtay inuu ku magacaabo Ra'iisalwasaare cusub dan siyaasadeed awgeed.

Waqti yar kadib go'aanka maxkamada kadib, John Kerry, ayaa u digay Maliki inuusan qal qal galin samaynta dowladda cusub, kadib markii lagu heshiin waayay dhisida dowlad cusub tan iyo doorashadii April kadib.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan