Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dolarka oo ku badanaya Soomaaliya

Kaddib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya, lacagta shilin Soomaaliga ayaa waxa ay noqotay mid qiimo dhacday.

Waxaa inta badan lacagta Soomaaliga badalkeeda suuqyada wax looga kala iibsadaa doolarka, taasi oo ah lacagta kaliya ee wax lagu kala qiimayso.

Tusaale ahaan doolarka waxaa lagu kala iibsadaa waxyaabaha quutul daruuriga sida khudaarta iyo waxyaabaha kasii hooseeya.

Arrintani ayaa dhibaato ku keentay dadka danyarta ah oo laga yaabo qaarkood in aanayba weligood indha saarin doolar.

Dadka ku xeelka dheeer arrimaha dhaqaalaha ayaa ka digaya in xal degdeg ah loo helo lacagta Soomaaliya, xilli guud ahaan kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka ay aad u liitaan.

Maxamed Ibraahim Mucalimuu ayaa arrintaa u kuurgalay oo warbixintan inooga soo diray.